Muuqaallo - VOA

Muuqaallo - VOA


Latest Episodes

Danyar qalliin indhaha loogu sameeyey Waqooyi Bari Kenya - Abriil 26, 2024
April 26, 2024

In ka badan 500 oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ka soo jeeda Waqooyi Bari Kenya ayaa loo sameeyay qaliin indhaha ah oo bilaash ah. Axmed Xuseen ayaa soo diray warbixintan.

Dibad-baxyo weli ka socda Jaamacadaha Mareykanka - Abriil 25, 2024
April 25, 2024

In ka badan 100 qof ayaa Arbacadii lagu xiray laba jaamacadood oo ku kala yaalla gobolada California iyo Texas, ka dib markii ay sameeyeen mudaaharaadyo Falastiiniyiinta ay ku taageerayaan oo toddobaadkan ka dhacayay qaar ka tirsan jaamacadaha Maraykanka.

Xamas oo shuruudo soo bandhigtay - Abriil 25, 2024
April 25, 2024

Ururka Xamsas ayaa soo bandhigay shuruudo haddii la fuliyo ay hubka ku dhigi karaan oo ay ku noqon karaa xisbi siyaasadeed.

Dacwadda Trump oo ka socota New York - Abriil 25, 2024
April 25, 2024

Madaxweynihi hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa maalintii 3-aad ku noqday maxkamadda New York, iyadoo markhaatiyaal ay ka marag-furayaan dacwadda loo haysto ee la xiriirta lacagtii uu ku aamusiyay haweenay xiriir jinsi uu dhexmaray.

Madaxweynayaashii soo maray Mareykanka - Abriil 25, 2024
April 25, 2024

46-ka madaxweyne ee soo maray Mareykanka, iyo muddada uu xilka hayey mid walba.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada India - Abriil 25, 2024
April 25, 2024

Islaam naceybka ayaa qeyb ka noqday lolaha doorashada India, ayada oo lagu eedeeyey xisbiga ra'iisul wasaare Modi inay mucaaradka ku calaameynayaan kuwa la safan Muslimiinta.

Soomaali lagu Maxkamadeynayo Minnesota - Abriil 24, 2024
April 24, 2024

Gobolka Minnesota waxaa ka billaabatay dhageysiga dacwad ka dhan ah dad Soomaali ah oo lagu eedeeyey lunsashada lacag malaayiin dollar ah.

TikTok oo laga mamnuucayo Mareykanka - Abriil 24, 2024
April 24, 2024

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyay sharci ku qasbaya shirkadda Shiinayska ah ee ByteDance ee leh TikTok in ay iibiso App-kaasi caanka ah.Maxamed Bashiir ayaa faah-faahinaya

Boqor Salamaan oo isbital galay - Abriil 24, 2024
April 24, 2024

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdulcaziiz oo ah 88 jir, ayaa maanta oo Arbaca ah galay Isbitaal.Xuseen Barre ayaa faah-faahinaya.

Wareysi: Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh - Abriil 24, 2024
April 24, 2024

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh, oo nagu soo boqoday xarunta VOA ee Washington, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay aragtida dowladda Jabuuti ee heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.